Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo ka qeylisay sharci adag oo Britain ay soo saartay

Hay’adda UNHCR ayaa walaac ka muujisay sharciga soo galootiga ee ay dowladda Ingiriiska soo jeedisay, iyada oo sheegtay inuu saaamayn ku yeelan doono dadka magangalyo doonka ah ee ku jira xaaladaha adag.

Vicky Tennant oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee UK ayaa sheegtay in tallaabadani ay ka horimaaneyso sharciga caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda dadka magangalya doonka ah.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha UK Suella Braverman ayaa sheegtay in sharcigu uu xaddidi doono xudduudaha sharciga ee caalamiga ah, iyadoo sheegtay inay jirto baahi ku saabsan sharcigaan si loo xalliyo dhibaatadan.

Talaadadii, dawladdu waxay soo bandhigtay sharci cusub kaasoo ka mamnuucaya qof kasta oo ku yimaada waddo sharci darro ah inuu magangalyo ka dalbado UK.

Qof kasta oo lagu helo inuu si sharci darro ah ku soo galay dalka waxa sidoo kale laga hor istaagi doonaa inuu ku soo laabto ama uu mustaqbalka sheegan doono dhalashada Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadka uu dunida ku asiibayo & kuwa u dhimanaya Coronavirus oo sii kordheysa

Caydiid Ali

Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga laayay weerarkii saakay ka dhacay Baar Sanguuni

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Shaaciyay in Doorashooyin toos ah ka dhacayaan Hirshabelle (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---