Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi: “Waanu aqbalnay dagaalka uu iclaamiyey Wiilka yar ee Xamar ka taliya”

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadal dhowaan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sharci daro ku tilmaamay heshiiskii dekeda Berbera.

Biixi ayaa ku tilmaamay Raisul Wasaare Khayre wiil yar oo Xamar ka taliya kaasoo uu sheegay inuu ku dhawaaqay dagaal, ka Maamul ahaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Somaliland in Dowladda Federaalka qaabka ay wax u wado aysan ku qanacsaneyn haddii ay yihiin Somaliland, wuxuuna tilmaamay Dekeda Berbera ay go’aan ka gaari karto Somaliland.

“Heshiiska dekeda wuu jirayaa, wuuna shaqeynayaa dekeda Berbera waxaa leh Somaliland, mana jirto cid aan marti uga noqoneyno” ayuu Biixi.

Madaxwayne Biixi ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu maamuusayey xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa heshiiskii Dekeda Berbera ee dhexmaray Somaliland, DP-World iyo Itoobiya ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan waxba ka jirin, isagoo xusay in heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad Kheyraad iyo kuwo kale inay u idman tahay Dowladda Federaalka Somalia oo kaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo shaacisay iney fashilisay qarax lagu aasay Suuq mashquul badan (Sawirro)

Caydiid Ali

Xubno cusub oo kusoo biiray Shirka Muqdisho iyo Qodobada qaar oo la isku hayo

Cabdi Cade

Kenya Airways oo hal sabab darteed u joojineysa Duulimaadyadii Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---