Daawo Sawirada: Haween Ka tirsan Bulshada Ra’yidka oo Muqdisho ku xusay 8-da Marso

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ay ugu qareemaan haweenka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo lagu xusayaay Maalinta Caalamiga ee Haweenka 8 Maarso waxaa ka soo qeyb galay Xubno ka socday Xukuumada Soomaaliya,  Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,  Hogaamiyaasha ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka, Xubno ka socday Maamulka Galmudug iyo Marti sharaf kale oo lagu cazuumay, sidoo kale waxaa qadka telephone- ka uga qeyb qaadatay Faadumo Qaasim Dhayib oo ah xoghaya Maamulka Barnaamijyada UNWomen ee Soomaaliya Maadaama ay haweenkani ka caawiyeen qabsashada Munaasabada.

Munaasabadu intii ay socotay waxaa diiradda lagu saaray ka hadalka waxyaabihii Haweenka Soomaaliyeed u qabsoomay tan iyo Sanadkii hore, iyo halka ay rabaan in haweenka soomaaliyeed ay gaaraan. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed dhibaatooyin badan ay soo mareen balse maanta loo baahan yahay in aan dib loogu laaban meeshii laga soo kacay.

Xildhibaan Farxiya Muumin Cali oo ka tirsan golaha Shacabka ayaa sheegtay in haweenka ay horumar wanaagsan ay ka sameeyeen dhanka siyaasada waxa ay xustay in 24 % ay ka heleen baarlamaanka halkee ay hore u heysteen 14 % sidoo kale waxa ay xustay in shaqooyin badan ay qabteen mudada ay baarlamaanka ku jiraan sida meel martinta sharciyo dhowro ah kuwa kalana ay ku howlan yihiin.

Ururada ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ee dhinacyada Dhaqan, Dhaqaale, iyo Siyaasad ayaa dhankooda sheegay in ay dadaalo badan sameeyeen kuwaasi oo ah dadaalo lagu horumariyo Haweenka , sida ganacsiga , Waxbarashada, Caafimaadka iyo shaqo Abuurka. Zeynab Maxamed Xasan ( Siraad ) oo afka Haweenka Bulshada Ra’yidka ku hadashay ayaa tusaalooyin u soo qaaadatay horumarada ay sameeyeen Haweenka Dunida Muslimka iyo kuwa ay Sameeyeen haweenka Soomaaliyeed iyada oo ku baaqday in xooga, iyo maskaxda la mideeyo si meel wanaagsan loo gaaro.

Caasho Axmed Baarxuud oo ah Gudoomiyaha Madasha Horumarinta Haweenka qeybta Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in muhiim ay tahay wadajirka haweenka iyada oo guud ahaan Haweenka Soomaaliyeed uga mahadcelisay sida ay uga shaqeeyeen muujinta awoodooda.

Ugu danbeyntii Faadumo Qaasim Dayib Xoghaya maamulka Barnaamijyada UNWomen ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tahay wax lagu farxo in Munaasabadan lagu qabto meel banaanka ka ah Xalane oo lagu qaban jiray sidoo kale waxa ay xustay in muhiimadeeda gaarka ah ay leedahay in dhaqaalaha wadanka lagu soo celiyo.

Sanad waliba marka ay ku began tahy 8 Maarso ayaa la xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka iyada oo lagu soo bandhigayo waxyaabaha Haweenka u qabsoomay iyo wixii ay ku fashilmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -