Xiliga la magacaabayo RW cusub ee Itoobiya oo la shaaciyey & Rex Tillerson oo gaaray Addis ababa

Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa shaaciyey xiliga guddigiisa fulinta uu soo magacabayo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalkaas.

Shiferaw Shigute oo ka tirsan masuuliyiinta EPRDF ayaa xaqiijiyay in guddigu uu kulmi doono 11-ka bishan Maarsosi ay uga wada hadlaan natiijooyinka ka soo baxay qiimaynta ay sameeyeen.

Raisul wasaarihii Itoobiya Haile-Mariam Desilgn ayaa dhowaan iska casilay ka dib markii qeybo ka mid ah dalkaas ay ku soo bateen dibed baxyo ka dhan ah dowlada oo lagu doonayo isbedel, dad fara badan ayaana ku naf waayey.

Dhinaca kale Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson, ayaa gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa, halkaasoo uu kula kulmayo madaxad dalkaasi.

Rex Tillerson oo booqashadiisi ugu horeesay ku maraya qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika ayaa sidoo kale la filayaa in dalalkaasi uu kala hadlo xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.

Booqashada xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa imaaneysa xilli qalalaaso siyaasadeed uu ka taaganyahay dalka Itoobiya, kadib markii mucaaradka dalkaasi ay dhigeen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda, taasi oo horseeday iscasilaadda ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

Khudbad uu jeediyay kahor booqashadiisa gobolka ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu salluugsanyahay iskaashiga dhaqaale ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika, waxaana uu intaa ku daray in taasi keeneyso isku filnaansho la ‘aan iyo musuqmaasuq.

Mr Tillerson ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu booqdo dalalka Kenya, Jabuuti, Chad iyo Nigeria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -