Allbanaadir.com
DIINTAMUQDISHO

Nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga oo laga gudoomay danjire Choi Yeonghan (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyre Cabdi, ayaa Nuqul ka mid warqadaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay maanta xafiiskiisa danjire Choi Yeonghan, Safiirka cusub ee dalka koonfurta Kuuriya u fadhin doona Soomaaliya.

Intii qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiiru dowle Cabdulqaadir iyo Danjire Choi waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh.

Dowladaha Koonfurta Kuuriya iyo Somalia ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya, iyadoo koonfur Kuuriya ay dalka horey uga fulisay mashaariic fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & degmada Afgooye

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo Dubai kula kulmay dhigiisa Shiikh Mohamed Bin Zayed

Caydiid Ali

Dhexdhexaadintii Itoobiya ee Somaliland iyo Isimada Sool oo qarka u saaran fashil

Caydiid Ali
Taboola Ads ---