Waare oo dowlada Somalia ugu baaqay iney Itoobiya kala hadasho arrin Muhiim ah

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya inay soo farogeliso arrimaha biyo la’aanta wabiga Shabeelle oo inta badan la dareemo xiliga jiilaalka oo ah xiliyadan oo kale.

Max’ed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay abuurka bariis cusub oo ay shirkad maxali ah ku soo bandhigtey magaalada Jowhar ayaa ka hadlay biyo la’aanta ka jirta wabiga Shabelle oo mara gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in si loo gaaro qorshaha la doonayo in lagu horumariyo tacabka bariiska oo biyo joogta ah u baahan in dowlada federalka ay soo farogeliso biyaha wabiga Shabelle.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowlada Federalka inay wadahadal rasmi ah oo wax ku ool ah kala yeelato dowlada Itoobiya maareynta biyaha wabiga Shabeelle sida sharciga caalamiga ah uu qabo si Dowlada iyo beeralayda Soomaaliyeed ay u helaan qeybta ay xaqa ugu leeyihiin.”

Wabiga Shabeelle ayaa dhowrkii sano ugu dambeysay waxaa ka jirey biyo la’aan xilliga jiilaalka iyadoo beeralay badan ay qasaare ka soo gaarto biyo la’aanta wabiga, waxaana arintan loo sababeeyey maamulkii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya oo kanaalo iyo biyo xireeno waaweyn ka jeexay webiga shabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -