Hantida Trump oo hoos u dhacday iyo Liiska dadka ugu hantida badan Dunida oo lasoo saaray 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hoos ugu soo dhacay kaalinta 222-aad ee diiwaanka taaajiriinta ee majaladda Forbes, kadib markii hantida uu haysto oo ahayd $3.5 bilyan ay hadda hoos ugu dhacday $3.1 bilyan oo doolar.

Majaladda ayaa sheegtay in hoos u dhaca hantida Trump ku timid ay ugu wacantahay qiimo dhac ku yimid hantida ma guurtada ah ee uu ku leeyahay New York iyo dakhliga kasoo gala goobaha lagu ciyaaro kubbadda usha lagu gamo ee Golf.

Waxaa diiwaanka ugu sareeya ninka asaasay, islamarkaasna ah milkiilaha shirkadda iibka internerka ee Amazon, Mr. Jeff Bezos.

Hantida Mr Bezos ayaa imika gaartay $112 bilyan taasi oo qiyaastii ahayd $39.2 bilyan sanaddii aanu soo dhaafnay.

Sare u kaca ku yimid hantida Mr Bezos ayaa ah ah tii ugu badnayd ee ebed la diiwaangaliyo caalamka.

Sara u kaca ku timid hantidiisa ayaa meesha ka saartay asaasaha shirkada Microsoft Bill Gates,oo hantidiisa sanadkan ay dhan tahay $90 bilyan oo doolar soona galay kaalinta labaad.

Mr Gates ayaa hogaaminay liiska shaqsiyaadka ugu hantida badan caalamka 18 sano ka mid 24-kii sano ee ugu dambeyay.

Majaladda ayaa waxay wax ka qortay 2,208 bilyandheer taasi oo ah markii 32-aad ee ay samaynayso qiimaynta sanadlaha ah ee sida ay u kala sareeyaan dadka milyadheerka ah.

Xiddiga dhanka maalgashiga ku caanbaxay ee u dhashay dalka Mareykanka Warren Buffett,oo hantidiisu ay ahayd sanad ka hor $75.6 bilyan oo doolar ayaa kaalinta saddexaad soo galay waxa ayna hantiddisu ay imika dhan tahay $84 bilyan oo doolar.

Qofka ugu hantida badan Yurub ahna ninka soo galay kaalinta afaraad ayaa ah milkiilaha shirkadda alaabaha raaxada iibisa ee LVMH, Bernard Arnault, oo ay hantdiisa dhan tahay $72 bilyan oo doolar.

Dal ahaan haaddii la eego Mareykanka ayay ku nool yihiin bilyandheerada ugu badan oo tiradoodu ay dhan tahay 585 qof , waxaa soo raaca dalka Shiinaha.

Gobolka California oo kali ah ayaa waxaa ku nool 144 bilyandheer.

Dalka Jarmalka ayay ku nool yihiin Bilyadheerada ugu hantidaa badan Yurub taasi oo dhan 123.

Dalka Hindiya ayaa Bilyandheerada ku nool waxa ay tiradooda dhan tahay 119 halka Ruushka ay ku nool yihiiin 102.

Dalka Britain ayaa waxaa ku nool 53 Bilyandheer sida ay sheegtay jariiradda Forbes, Taasi oo hoos uga soo dhacday tirada oo 2017 ahayd 54.

Luisa Kroll iyo Kerry Dolan, ooka tirsan Jariiradda Forbes ayaa waxa ay sheegeen: “in dadka qaniga ah ay hantidooda sii badanayso , waxaana sii balaartay farqa u dhaxeeya bilyandheerada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -