Taliska Booliiska oo beeniyay War lagu baahiyay Warbaahinta iyo Baraha bulshada

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay in shaqada laga joojiyay gaadiidka gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance , kadib amar la sheegay in uu kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir.

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in uusan jirin amar kasoo baxay booliiska oo shaqada looga joojiyay Hay’ada gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance.

Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in kulan gaar ah yeesheen Hay’ada Amin Ambulance , Taliska booliiska iyo maamulka gobolka Banaadir, waxa ayna xustay in kulankaasi lagu lafa guray sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen.

“Booliiska Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance. Hay’addan, Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka”ayay tiri Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed.

Maamulka Amin Ambulance ayaa horey u shaaciyay in amar afka ah oo uga yimid taliska booliiska gobolka Banaadir shaqada looga joojijiyay, waxaana warkan soo baxay walaac xoogan ka muujiyay shacabka Muqdisho oo faa’iido ku qabay shaqada Amin Ambulance.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -