Xasan Shiikh oo digniin ka bixiyey dib u dhac ku yimaada doorashada lagu heshiiyey

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay doorkooda ka qaadan doonaan doorashooyinka dadban ee dalka laga qabanayo ka dib heshiiskii ay gaareen madaxda DF iyo dowlad goboleedyada.

Hadalkan ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay Wareysi uu siiyay mid ka mid ah telefishinada Soomaalida.

“Ma jirto baqdin aan ka qabno ka qeyb-galka doorashaooyinka, diyaarna waan u nahay inaan ka qeyb galno” ayuu yiri Xasan Shiikh oo ka jawaabayay Warar soo baxay oo sheegay in markii lagu dhawaaqay  in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso ay Siyaasiyiinta mucaaradka walwal ka muujiyeen ka qeyb-galka doorashada, diyaar garow la’aan awgeed.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Sheekh in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Magacaabis la’aanta Golaha Wasiirada aysan saameyn ku yeelaneyn nidaamka doorashooyinka ee lagu heshiiyey, maadaama doorashada ay maamuli doonaan guddiyo heer qaran iyo heer federaal iskugu jira oo dhowaan la soo magacaabayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -