Maxaa ka dhalan kara Siyaasadeynta Amniga Muqdisho iyo Wasiireynta Xildhibaanada ?

Kalfadhiga 5 aad ee Barlamaanka Federaalka oo furmay laba Asbuuc ka hor ayaa ku guul dareystay in uu waajibaadkiisa u guto si caadi ah kadib markii uu ka fashilmay 3 kulan oo ku dhamaaday Buuq iyo Kooram la’aan, lamana oga xilliga ay dib u kulmayaan! Isaga oo haysta waqti yar oo ah inta ka dhiman bishaan Abriil.

Waxa uu kalfadhigu dib uga dhacay furitaankiisii bishii Maarso ilaa Juun, May waa Soon oo ma shaqeeyo? Juun waa Ciid iyo diyaar-garowga Xajka oo ma shaqeeyo? Julay iyo Agoosto waa Fasax iyo Xaj oo ma shaqeeyo? Ee maxaa uga haray kalfadhigaan?

Dadka Somaaliyeed ayuu ku abuuray yaab, filawaa iyo shaki laga qabo in Barlamaanka ay dhab ka tahay xaqiijinta hawshii uu u dhaartay? Markii laga arkay:

1. In Barlamaanka labada Aqal uu 2 Sano soo saaray 2 Sharci kaliya?
2. In Fasax 3 bilood ah kadib la waayo Kooram buuxiya kulamada Barlamaanka?
3. In Hawsha Kalfadhigaan oo ah hal bil kaliya la geliyo buuq, is qab qabsi iyo waqti lumis?
4. In dadka loo sheego in kalfadhigii furmay, haddana fasaxyo iyo safarro kale la iska aado oo la arko qaar aaday Shirarka Dooxa iyo qaar aaday Shirarka Garoowe iyo qaar Bun iyo Qaxwo u doontay xaafadda Xaaji Muuse Yalaxow?
5. In Ajande iyo Dood lagu kala jabo, laguna xiro kulamada laga dhigo Saxaafadu ha baxdo iyo ha joogto, waddan wada ah Saxaafad iyo Sir baahin?

Hadaba dadka Falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa u aaneeynaya sababta keenta mar kasta Buuqa iyo wax-qabad la’aanta Barlamaanka laba Qodob:

A. Siyaasa-daynta Amniga oo Mucaaradku rabo in uu u maro Jidka Is-bedel Siyaasadeed, kadib markii ay ka xirmeen Albaabadii kale ee Siyaasadda!
B. Barlamaanka oo lumiyey awooddii la xisaabtanka Laanta Fulinta kadib markii uu u kala qeybsamay:

50 Wasiiro ah, 100 taageersan Wasiirada, 50 dagaal ugu jirta habeen iyo maalin in ay Wasiiro helaan, 75 wareersan oo u dhaxeysa 3 da koox? Aqalka sare oo aan weli fahmin cidda ay matalaan iyo waajibaadka ay Qaranka u hayaan? Kuna wareersan cidda ay taageerayaan iyo cidda ay diidayaan: Federaalka, Gobalada iyo Golaha Shacabka?

Haddaba su’aasha dadku is weydiinayaan ayaa ah:

1- Haddii Barlamaanku uusan ogolayn in uu kala saaro Laanta Fulinta iyo Laanta Sharci-dejinta oo ay isku milmeen sidee ayuu ula xisaabtami-karaa?
2. Haddii Barlamaanku uu gabay Hawshii la xisaabtanka Laanta Fulinta iyo Hawshii Sharci-dejinta maxaa u haray oo laga sugayaa?
3. Haddii dooda Barlamaanku aysan arrimaha Amniga waxba ku biirinayn kuna heshiin-karin sow uma habboona in ay san ka mashquulin wixii ay qaban karaan ama ku heshiin-karaan?

W/Q Mohamed Nur Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -