Somaliland oo soo bandhigtay Dambiyada loo heesto gabar ku xiran magaalada Hargeysa

Xeer ilaalinta maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay dambiyada loo heesto Gabar hal abuure ah oo lagu magacaabo Nimco Qorane , gabdhan ayaana dhoor isbuuc ku xiran xabsi kuyaala Hargeysa.

Gabdhan ayaaa xeer ilaalinta Somaliland  ku eedeesay in ay u gaftay qaranimada maamulka Somaliland, sidoo kale ay waday abaabul iyo kicin dad weyne iyada oo u ololaneysay midnimada Soomaali weyn.

Nimco Abwaan Qorane oo ah gabar buugaagta qorta ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku nooleyd magaalada Muqdisho, waxaana la xiray mar ay dib ugu laabatay deegaanada Somaliland ay kasoo jeedo.

Halkan ka Akhriso Dacwada lagu soo oogay Nimco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -