Shirka Baarlamaanka federaalka & kuwa dowlad Goboleedyada oo ka furmaya Garowe

Waxaa Magaalada Garoowe ka furmaya maalinta Berri ee Isniinta shirka madaxda Golayaasha Baarlamaanka ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo ay ka qeyb galayaan Golaha Shacabka iyo Baaralamaanada dowlad Goboleedyada dalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ay ka mid ihiin Guddoomiyaasha Golayaasha Wakiiladda ee Jubbaland, K/Galbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu soo dhoweeyay Magaaladda Garoowe.

Waxaa garoonka uga hor tegay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland C/xakiin Max’ed Axmed iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad oo ay yeeshaan baarlamaanada iyadoo shirkan uu ka maqan yahay maamulka Galmudug oo khilaaf weyn ka dhex jiro laba baarlamaana leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -