Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska oo War ka soo saaray qaraxii caawa ka dhacay Iskoolo Buluusiyo

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee caawa ka dhacay agagaarka dugsiga sare ee Booliska magaalada Muqdisho.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ayaa sheegtay in gaariga qarxay caawa uu noociisu ahaa Toyoto Premio, midabkiisu caddaan yahay kaasoo ay sheegtay inuu ku qarxay meel u dhaxaysa Dugsiga Jen. Kaahiye iyo Isbitaalka Yardimeli.

“Waxaa ku Dhaawacmay 8 qof oo afar ka mid ah ay fudud yihiin. Wax dhimasho ah ilaa iyo haatan ma jiraan” ayey tiri Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed.

Waxay shacabka ugu baaqday haddii ay arkaan qof ama dad khatar ku ah nabadgalyada magaalada inay soo wici karaan khadka telefoonka ee 991 ama waxay tagi karaan saldhigga ugu dhow.

“Qof walbow gaarigaaga ilaasho oo meesha aad dhigayso ka taxaddar. Kooxaha argagixisadu waxay doonayaan oo kaliya inuu qarax dhaco, umana kala soocna shacab iyo dowlad. gaari kasta oo meel dayacan yaalla ayaa u ah bartilmaameed” ayey intaas ku dartay.

Ugu dambeyn taliye Zakiya waxay sheegtay in haddii uu qarax meel ka dhaco aan loo ogolayn shacabka iyo warbaahinta inay goobta ku yaacaan ilaa laga hubiyo in uusan jirin gaari kale oo qarxi kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabley hubeysan oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Puntland oo eedeeyn cusub u jeedisay Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo mar kale qarka u saaran iney qabsadaan Magaalada Makelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---