Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Ducaale & Wakiilada beesha caalamka oo Xalane ku yeeshay shir xasaasi ah (Sawirro)

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa maanta guddoomiyey shir dhexmaray Dowlada Federaalka iyo Beesha caalamka.

Shirkan Waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Horumarinta Amniga guud ee dalka iyo Kaalinta Beesha caalamku ka qaadan karto arrimaha Ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, Shirkan dhexmaray dawladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayaa lagu taageeray qorshaha dawladda ee dib u habeynta Ciidamada.

“Waxaan maanta guddoomiyay shir dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliga iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlayay Horumarinta Amniga Guud ee Dalka Somalia iyo kaalinta beesha Caalamka, iyadoo lagu taageeray qorshaha Dowladda ee dib u habeynta Ciidamada” ayuu yiri Wasiir Ducaalle.

Shirkan ayaa yimid iyadoo muddo toddobad ah aya magaalada Muqdisho ku jirtay xaalad amni oo wadooyinka intooda badan ay xiran yihiin ka dib markii ay magaalada ku soo bateen qaraxyada iyo falalka amni daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku-xigeenka Raisul Wasaaraha Somalia oo gudoomiyey shirkii SDRF (Sawirro)

Caydiid Ali

Biden oo oo si weyn u kordhiyey tirada Qaxootiga Maraykanku qaato sanad walba

Caydiid Ali

Nin Bambaano ku tuuray bar ciidan oo goordhaw Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---