Al-Shabaab oo xalay saddex jiho ka weeraray degmada Afgooye & dagaalo ka dhacay

Dagaalo ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab.

Sida warku sheegayo dagaalada ayaa yimid ka dib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay saddex jiho ka soo weerareen degmada.

Goobaha ay Al-shabaab weerarada ku soo qaadeen ayaa waxaa ka mid ah Buulo-fooliyo, Mukayga iyo Buundada yar, iyadoo dhamaan goobahaas ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada milateriga dowlada.

Shacabka degmada Afgooye ayaa sheegay iney maqlayeen rasaas culus iyo qaraxyo ay labada dhinac isweydaarsadeen, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay oo socday ku dhowaad labo saacadood.

Xaalada degmada afgooye ayaa saaka degan, waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda, mana ahan markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay weerar noocan ku soo qaadaan degmadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -