Khamro la sheegay in sidii caanihii oo kale looga cabo magaalo kutaala Soomaaliya

Dadka isticmaalada Khamrada ayaa kusoo badanaya deegaanada maamul goboleedka Puntland gaar ahaan magaalada Ganacsiga maamulkaasi ee Boosaaso iyo deegaanada hoostaga.

Taliyaha ciidamada booliiska Puntland Muxudiin Axmed Muuse oo ka hadlay goob lagu qabtay khamri ayaa sheegay in isticmaalka Khamriga uu kusoo badanayo magaalada Boosaaso iyo deegaanada hoostaga.

Waxa uu sheegay Taliyaha in cabitaanka khamriga hada Boosaaso iyo duleedkeeda ka noqday sida caanihii oo kale, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in cabista khamriga heerkaas xun hada gaaray.

Taliyaha ayaa sheegay in kordhayaan dhalinyarada khamrida cabta gaar ahaan kuwa baadiyaha hada la baray, waxa uuna xusay in arintan sabab u tahay koontaroolka iyo kahortaga khamriga oo aad u yaraaday iyo Maxkamadaha oo xukuno jilicsan fuliya.

Ugu Dambeyn taliyaha ciidanka booliiska Puntland ayaa u balan qaaday askarigii soo qabta dad ka ganacsanaya ama isicmaalaya khamri in la isugu dari doono dalacsiin iyo abaal marin uu ku farxo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -