Trump oo shaaciyey inuu ka badbaaday afgembi xukunka looga tuuri lahaa

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa isku day afgambi ku tilmaamay baaritaankii uu ku sameeyay Robert Mueller oo horay u soo noqday agaasimaha guud ee hay’adda dambibaarista Maraykanka ee FBI.

Baaritaankii ayaase caddeeyay in isaga iyo kaaliyeyaashiisu aysan dambi galin, balse baaritaankaas ayaan meesha ka saarin inay isku dayeen in ay caddaaladda hor istaagaan.

“Arrintaasi isku day afgambi ayay ahayd tani waxay ahayd isku day xilka looga tuurayay madaxweyne. waanse ka guulaysannay, Warbixinta Mueller, marka ay ka hadashay in caddaaladda la carqaladaynayo waan ka dagaalannay. Ma garanaysaa sababta aan uga dhiidhinay? waxaan ogaa sida waxan oo dhan ay sharci darro u yihiin” ayuu yiri Trump.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa isna sheegay inuu rumaysan yanay in dawladda Maraykanku ay si qarsoodi ah ula socotay ololihii Trump.

Sirdoonka Maraykanka ayaa horay u sheegay in ay u si qarsoodi ah dabagal ugu sameeyeen dad Ruush ah, balse aysan si qarsoodi ah u dabo galin ololihii doorashada ee Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -