Nin Xaaskiisa oo 10-caruur ah dhashay ku dilay Warsheekh iyo Sababta keentay Dilka

Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in nin kamid ahaa dadka deegaanka xalay halkaasi ku dilay xaaskiisa oo horey u dhashay 10-caruur ah.

Sida aan Wararka ku helnay ninkan ayaa dilay xaaskiisa oo u dhashay labo caruur ah sidoo kale heesatay 8-caruur oo agoon ah, waxaana dilka la sheegay in uu ka dhashay muran soo kala dhax galay lamaanaha.

Nuur Ugaasow Nuur oo ah aabaha dhalay haweeneyda la dilay oo lagu magacaabayay Xabiibo ayaa sheegay in xalay gabadhiisa afar xabadood ku dhuftay ninkii qabay oo ay u dhashay wiil iyo Gabar.

Waxa uu sheegay Nuur Ugaasow in ninka dilka u geestay gabadhiisa uu doonayay in uu xoog ku qaato hanti ay leeyihiin 8-caruur oo agoon ah ay horey u dhashay, waxa uuna xusay markii ay u diiday in uu si naxariis daro ah u dilay.

Aabahan ayaa sheegay in ninkan marar badan dhibaato u geestay gabadhiisa kana dacweeyeen Maxkamada Warsheekh balse aan waxbo laga qaban, waxa uuna ka dalbaday maamulka Hirshabelle iyo dowlada in ninkaasi lasoo qabto cadaaladana la horgeeyo.

Dilkan ka dhacay Degmada Warsheekh ayaa argagax badan ku beeray dadka halkaasi kunool, waxaana dhacdooyinka nuucan ah ay noqdeen kuwa aan ku cusbeen dhagaha bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -