Guddiga loo xil saaray Amniga Muqdisho oo kulankii ugu horeeyay yeeshay (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay kulankii ugu horeeyay isugu yimid Guddiga loo xil saaray kasoo talo bixinta amaanka magaalada Muqdisho, Guddigan ayaana ka kooban Wasiiro, Saraakiil iyo maamulka gobolka Banaadir.

Guddigan ayaa xalay kulankoodii ugu horeeyay waxa ay ku yeesheen degmada Wadajir , waxa ayna guddiga warbixino dhinaca amaanka ka dhageesteen maamulka degmada iyagoona intaa kadib kormeer sameeyay.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in Guddiga xalay iska wareesteen xaalada amaan ee caasimada sidoo kale qiimeyn ku sameeyeen.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga amniga u gudbiyeen baahiyaha gaarka ah ee qabaan ciidamada booliiska ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir .

Guddiga loo xil saaray amaanka magaalada Muqdisho ee u badan Wasiirada ayaa kormeero joogto ah ku sameyn doona degmooyinka gobolka Banaadir si ay u qiimeeyaan xaalada amaan una ogaadaan biyaha gaarka ah ee jira.

- Advertisement -