Madaxweynaha maamulka Puntland oo Fariin u diray dowlada Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kormeeray Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso iyo sidoo kale taliska ciidamada Badda Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowlada Imaaraadka Carabta u diray fariin uu uga mahad celinayo sida ay Puntland gacanta uga siiyeen dhismaha ciidamada maamulkaasi gaar ahaan kuwa Badda.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in Imaaraadka Carabta gacan ka siiyeen dhismaha Ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha burcad badeeda iyo sidoo kale kooxaha kale ee Al Shabaab iyo Daacish.

“Imaaraadka Carabta runtii waxaa uu gacan weyn naga siisay sidii Puntland uga guulaysan lahayd burcad badeeda, sidoo kalena hadda ku jirta in ay ka guulaysato Shabaab iyo Daacish, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dhamaan Dowladda Imaaraadka iyo shacabkeedaba” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kahor inta aysan saraakiishooda kala bixin Soomaaliya waxa ay xero weyn ku lahaayeen magaalada Boosaaso ay ku tababari jireen ciidamada maamulka Puntland.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale wali saameyn ku leh deegaanada maamulka Puntland maadaama shirkad dalkaasi laga leeyahay ay la wareegtay maamulka Dekadda magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -