Kenya oo ceyrisay lix qareen oo caalami ah oo ku matalayay dacwada kiiska Badda

Dowlada Kenya ayaa shaacisay in ay ceyrisay lix qareen oo caalami ah oo kamid ahaa qareenadii ku matalayay kiiska dacwada badda ee yaala Maxkamada caalamiga ee ICJ ee fadhigeedu yahay Holland.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki, ayaa isku raacay in la ceyriyo qaar kamid ah qareenadii kiiska dacwada ku matalayay kadib markii ay ogaatay Kenya in aysan difaaci karin.

Dowlada Kenya ayaa sidoo kale fursad ka raadineysa ceyrinta qareenadeeda si dib loogu dhigo dhageesiga dacwada oo lagu balansan yahay in 9-ka bishan ka furanto Maxkamada caalamiga ee ICJ.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki, ayaa qoraal uu u diray Maxkamada caalamiga ee ICJ kaga dalbaday in dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwada si ay u helaan qareeno cusub oo kiiskaasi ka difaaca.

Qareennada ay Kenya iska ceyrisay ayaa waxaa ay kala yihiin Payam Akhavan oo u dhashay Mareykanka,   Vaughan Lowe oo u dhashay UK,  Alan Boyle oo u dhashay UK,  Mathias Forteau oo u dhashay France, Mr Karim Khan UKand iyo  Amy Sanders oo u dhashay UK.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka biyo diidan in dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwada badda, waxa ayna Soomaaliya fursad u aragtaa in Maxkamada caalamiga lagu kala baxo halka Kenya raadineyso in wadahadal muranka lagu xaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -