Imaam Masjid oo la dilay isaga oo Salaad Dujinaya iyo Sabbata keentay

Imaam Masjid weyn oo kuyaala magaalada Beni ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa la toogtay xili uu ku sugnaa Masjidka uu imaamka ka ahaa sidoo kale uu dujinayay Salaada Maqrib.

Sheekh Cali Amiin, oo caan ka ahaa bariga dalka Koongo ayaa nin hubeesan ku dhax toogtay masjidka, waxaana laga soo xigtay jameecadii masjidka ku sugnaa in ninka dilka geestay ku baxsaday mooto banaanka u taalay.

“Waxay dhacday abaare 19:15 salaadii maqrib. Rasaas ayaa ka dhacday gudaha masjidka oo lala beegsaday imaamka. Ninkii hubeysnaa waa uu baxsaday maadaama uu banaanka hore ee masjidka uu ku sugaayay qof watay mooto ,” ayuu yiri Stewart Muhindo.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay in imaam Cali Amiin uu ahaa nin si weyn uga soo horjeeday fikirka xagjirka ah loona maleenayo in sababtaasi loo dilay, Bariga DR Congo waxaa horey weeraro uga geesatay kooxda Daacish .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -