Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii maanta, baaqna u dirtay shacabka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qarax ay dad rayid ahi ku dhinteen oo Alshabaab la beegsadeen goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay falkii Alshabaab ku laayeen dad rayid ah oo makhaayado ka cunteynayay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga, isagoo bulshada Soomaaliyeedna ku boorriyay inay u midoobaan la dagaallanka wax uu ugu yeeray argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka.

Ugu yaraan 11 qof oo badankood ahaa shacab marka laga reebo xildhibaan ka mid ahaa baarlamankii hore ayaa ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Jidka Maka Al-Mukarama, waxaana ku dhaawacmay 16 kale oo uu ku jiray Shiikh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Toogasho kale oo ka dhacday Mareykanka & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku laayey 60 ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Taliye Joojiyay Banaan bax lagu taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo oo loo yeeray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---