Diyaarad rakaab siday oo ku degtay magaalo aan aheyn tii ay u socotay !!

Mid kamid ah diyaaradaha rakaabka qaada ee shirkada British Airways ayaa khaldan ugu degtay magaalo aan aheyn tii ay ku socotay, waxa ayna arintaasi fajiciso iyo lama filaan ku noqotay rakaabkii diyaarada la socday.

Diyaarada oo ka duushay magaalada London ayaa kusii jeeday magaalada Dusseldorf ee dalka Jarmalka, hasa ahaatee diyaarada ayaa si aan kutala gal aheyn ugu degtay magaalada Edinburgh ee caasimadda u ah Scotland.

Rakaabka diyaarada la socday ayey fajiciso ku noqotay markii ay maqleen kusoo dhawaada magaalada Edinburgh , waxa ayna rakaabka dareemeen in ay diyaarada cago dhigatay meel aan aheyn halkii ay ku socdeen.

Masuuliyiin katirsan shirkadda British Airways ayaa sheegay in markii dambe la saxay duulimaadka loona qaaday rakaabka magaaladii ay u socdeen, waxa ayna shirkada ka raali galisay rakaabka qaladkii dhacay.

“Waan ka raalligalinay macaamiisha laga carqaladeeyay safarkooda, waxaana ula xiriiri doonnaa mid mid” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka shirkada Diyaaradaha ee British Airways.

Waxaa socda baaritaano lagu sameenayo sababta keentay khaladkan dhinaca duulimaadka ah ee dhacay, waxaana maamulka shirkada diyaaradaha British Airways sheegeen in uusan duuliyaha habaabin balse uu khalad dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -