Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka daarta loo yaqaan MBC ee degmada Hodan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxu ahaa miino gaariga loogu soo xiray ruux aan wali la ogeyn waxa uu yahay , waxaana qaraxan uu khasaaro kasoo gaaray ruuxii watay gaariga qaraxa lagu xiray.

Qaraxan ayaa imaanaya xili maanta la adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho lana xiray inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Magaalada Muqdisho ayaa amaankeeda u muuqdaa mid sii xumaanaya, waxaana magaalada kusoo badanaya qaraxyada ismiidaaminta ah iyo qaraxyada kale ee miino.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -