Muuse Biixi oo War cusub ka soo saaray wadahadalka Somalia iyo Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta fadhi wada jir ah oo labada gole ee baarlamaanku yeeshay ka jeediyay khudbad sandeedka madaxweynaha, isagoo soo hadal qaaday wadahadalada Somaliland iyo Somalia.

Biixi ayaa khudbadiisa kaga hadlay waxyaabaha u qabssoomay xukuumadiisa muddadii sanadka iyo dhowrka bilood ahayd ee xukunka uu hayay iyo waliba qorshayaasha u degsan mustaqbalka.

Waxuu sidoo kale sheegay in waddamo badan oo caalamka ah ay daneynayaan inay qeyb ka noqdaan wadahadlada Soomaaliya iyo Somaliland laga yaabo inay yeeshaan, halka markii hore wadahadakladaasi ay ku koobneyd dowladda Turkiga.

“Waxaanu taageero diblomaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay, waxayna ku qanciyeen badi dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay waqtigii beesha caalamku dhexgali lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya” ayuu yiri madaxweynuhu.

Muuse Biixi Cabdi oo ku dheeraaday ka hadalka xiriirka dalalka caalamka iyo wadahadallada Soomaaliya ayaa sheegay in dalalka Sweden iyo Switzerland ay ka mid yihiin uu mid waliba gaarkiisa u soo bandhigay inay diyaar u yihiin inay martigeliyaan wadahada Soomaaliya iyo Somaliland, arinkaasna ay Somaliland aqbashay.

“Turkiga ayaan in badan ka wadahadalnay iyadoo dooneysa inay kaligeed na dhexdhexaadiso inaga iyo Soomaaliya, haseyeeshee anagoo dareensan toddobo sano oo Turkigu arrinkaas ku jiray in aanu wax miro ah dhalin waxaanu ku talinay in arrinta wadahadalku ay noqoto mid ay goobjoog ka noqdaan dhammaan dowladaha iyo ururada caalamiga ah’

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -