Allbanaadir.com
NEWS

Miisaaniyadda Golaha Wasiirrada Puntland oo sannadkan la kordhiyay lana ansixiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa shir-guddoomiyey shirka golaha wasiirrada oo tobaadkan looga hadlay amniga, ansixinta miisaaniyadda sanadka 2024, ansixinta xeerka kheyraadka macdanta iyo qodobo kale.

Golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Puntland ayaa dood iyo falanqeyn dheer kaddib ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2024, oo dhan ($387,550,700), taas oo sannadkaa la siyaadiyey 3%.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ansixiyey Xeerka Kheyraadka Macdanta Dowladda Puntland, Kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: DF oo xalisay dhibaato muddo sanado ah jirtay & dagaal culus oo ka dhacay..

Caydiid Ali

Kulan Xasaasi ah oo Hargeysa ku dhax maray Muuse Biixi iyo Ben Fender (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir oo Xabsi guri la galiyay iyo Sababta keentay !!

admin
Taboola Ads ---