Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda dowlada oo ka qeyb qaatay olole ka bilowday Muqdisho (Daawo Sawirro)

Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa si wadajir ah u sameeyey Olalaha Nadaafadda Caasimadda, kaas oo lagu aruurinayo qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda Caasimadda ah.

Ku-simaha R/Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo qeybaha bulshada ayaa wadajir olalahan uga sameeyey goobo kamid ah Muqdisho.

“Caasimada dalka ee Muqdisho waa muraayada iyo halka laga qiimeeyo dal walba, sidaas daraadeed maanta waxaan u istaagnay inaan nadaafadda ka shaqeyno, taas oo ah waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Madaxda ayaa dhiirigeliyey shaqaalaha dawladda iyo shacabkii howshan ka qeyb qaatay, iyadoo wadajir loogu baaqay muhiimadda ay leedahay inay ilaaliyaan nadaafada dalka iyo bilicda wadanka si loo helo deegaan nadiif ah.

Dhamaan xarumaha dawlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ololahan nadaafadeed, iyadoo ay Xukuumadda iyo Maamulka gobolka Benaadir hormuud u yihiin isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa sidee Maanta xaalada Laascaanood oo ay dagaalo ka socdeen maalmahan

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo u jabaabay dadka dhaleeceenaya Doorashadii ka dhacday Galmudug

Cabdi Cade

Sheekada Da’yarka la damqada xilli kasta Uur-ku-taallo uu la nool yahay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---