Waa sidee Maanta xaalada Laascaanood oo ay dagaalo ka socdeen maalmahan

Xaalada  Magaalada Laascaanood ayaa maanta deganayd marka loo eego maalmihii la soo dhaafay oo ay ka dhaceen dagaallo culus oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac

Wararku waxay sheegayaan in xalay uu iska hor imaad ka dhacay magaalada ayadoo rasaas xoog leh ay maqlayeen dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah xaruumaha caafimaadka ee magaalada ayaa muujinaya walwal ah in haddii dagaalladu sii socdaan ay yaraan karto awoodooda dhanka la tacaalista dhaawacayda soo gaaraya.

Dr Axmed Maxamed Xasan oo ah agaasimaha Cusbitaalka guud ee Laascaanood ayaa sheegay in xaalada magaalada maanta degan yahay inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah, iyadoo labada ciidan ay isku hir fadhiyaan goobihii ay dagaaladu ka socdeen ee hareeraha magaalada.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay, boqolaal kalena wey ku dhaawacmeen dagaalka ka socda magaalada Laascaanood todobaadkii labaad, iyadoo dad ku dhow boqol kun oo kalena ay ku barakaceen.

- Advertisement -