Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Xarumo cusub

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hirgeliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Eng. Yarisow ayaa sheegay in xarumahan cuusb oo maamulku hirgaliyey ay bilow u yihiin daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo xaqiijiyey in Maamulka Gobolka uu xooga saarayo sidii dadweynaha ku nool Gobolka Benaadir ay degmooyinkooda uga heli lahaayeen adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka gobolka.

“Waxaan kula dardaarmayaa shaqaalaha howsha qaban doona in ay bulshada ugu adeegaan si hufan iyo in loo fududeeyo dadweynaha adeegyada ay xafiisyadan uga baahan yihiin, iyada oo sharafatooda la dhowrayo, waxaana ka maamul ahaan diyaar u nahay in aan dhammaan adeegyada asaasiga ah sidaan oo kale bulshada usoo gaarsiinno.” Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha labada degmo ayaa goob joog ka ahaa furitaanka xarumahan.

Dadka ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa aad u soo dhaweeyey tallaabadan Maamulka Banaadir uu qaaday maadaama ay markii hore adeegyada maanta degmooyinkooda loogu geeyey ay u soo aadi jireen Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay Jeddah

Cabdi Cade

Dhegeysiga dacwada Badda oo Maalintii labaad ka bilaabaneysa Maxkamada ICJ

Caydiid Ali

Sidee Madaxda caalamku uga falceliyeen weerarka Xamaas ku qaaday gudaha Israaiil?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---