Maamulka Somaliland oo jartay Waaran lagu soo xirayo Wariye Caan ah

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa baadi goob xoogan ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo markii ugu dambeesay ku sugnaa magaalada Burco.

Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Togdheer Axmed Aw Cali Shabeel ayaa shaaca ka qaaday in lasoo gaarsiiyay warqad lagu soo xirayo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxa uuna sheegay in Warqadaasi laga soo jaray magaalada Hargeysa.

“Warqadaas aan imika garaacayey waa waaran maxkamadeed, Hargeysa ayaa laga soo diray oo gudoomiyaha maxkamada gobolka Togdheer ayaa la soo mariyey, isaguna waxa uu yidhi soo qabta ninkaas.”ayuu yiri Taliyaha.

Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay Wariye Coldoon in uu galay dambiyo uuna wax ka sheegay maamulka, waxa ay sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeeyeen in wariyaha in uu marka uu rabo iska safro uuna tago Itoobiya iyo Muqdisho.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr mar xabsiga dhigay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo marar badan dhaliilay maamulka Somaliland sidoo kale safaro maamulkaasi aysan raali ka aheyn ku tagay Muqdishpo iyo dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -