Gabar kale oo Soomaaliyeed oo Xil sare ka qabatay dalka Mareykanka

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa wada dadaalo badan ay ku kasbanaan quluubta dadka ay la nool yihiin, waxa ayna Soomaalida hada xilal kala duwan oo muhiim ah ka qabanayaan gobolada ay ka joogaan dalka Mareykanka.

Canab Guuleed oo ka mid ah Soomaalida dagan gobolka Minnesota ayaa markan kamid noqotay Soomaalida xilalka sare ka heysa Mareykanka, waxaana  loo magacaabay kaliyaha wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnasota.

Gabadhan Soomaaliyeed oo mudo ku dhaw 20-sano kunooleyd dalka Mareykanka ayaa rajo ka qabtay in ay noqoto Wasiir kuxigeen, hasa ahaateen Canab ayaa hada noqotay Kaaliye iyadoona sheegtay in ay ku faraxsan tahay xilkan loo magacaabay.

“Wasaarada Arimaha bulshada waa wasaarad aad u weyn oo shaqo badan qabata, waxayna saameysaa bulshada qeybaheeda kala duwan sida qoysaska, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah, marka waa wasaarad ballaaran oo runtii dad gaaraya 1 malyan oo reer Minnesota ah ay ka helaan caawinaad”.ayey tiri Canab Guuleed.

Gabadhan asalkeeda Soomaaliga yahay ayaa kamid noqonqeysa shaqsiyaadka Soomaaliyeed  ee xilalka sare ka haya dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -