RW Khayre oo booqday goob lagu xusuusto halgamayaasha waddanka Imaaraadka Carabta (Daawo Sawirro)

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka ayaa maamuus u sameeyay daljirayaasha dahsoon ama dadka u soo halgamay aasaaska dalkaasi.

Kheyre ayaa ubax dhigay xarunta lagu maamuuso dadka u soo halgamay una dhintay Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Karaama, isagoo sallaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada maamuuska dalkaasi.

Madaxa Xafiiska qoysaska dadka u shahiiday Imaaraadka u qaabilsan dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheekh Khaliifa Bin Daxnuun Al-Nahyan ayaa halkaas ku soo dhoweeyey raisul wasaare Khayre.

Xarunta ayaa waxaa yaalla 31 loox oo aad u waaweyn, kuwaasoo ka sameysan macdan, laguna xardhay magacyada hogaamiyeyaasha, ciidamada iyo dadkii kala duwanaa ee u dhintay dalkooda si loogu xusuusto.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa maamuuskaasi kadib saxiixay buug sharafeedka goobta yaalla oo dadka booqda ay saxiixaan, kaasoo lagu sharfo dadka u dhintay dalkooda Imaaraadka ah, waxaana goobtan horey u booqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dalka Imaaraadka Carabta labo jeer socdaal ku tegay doorashadiisii ka dib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -