Maxaa iska bedelay amniga jidka xiriiriya Balcad & Jowhar oo mudooyinkan laga deyrinayey? (Daawo Sawirro)

Taliska  ciidanka XDS ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii ay ku soo bateen weeraro jidgal ah oo ay geysanayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan Qeybta 27aad ee Xoogga dalka ayaa bilaabay howlgal roondo ah oo ay wadadaas ka sameynayaan si ay uga hor tagaan weeraro kale oo amaanka wadadaas khal khal geliya.

Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidamada Xoogga dalka Maxamuud Maxamed Macalin (Koronto) ayaa kormeeray halka loo yaqaano Haansheekh oo u dhow tuulada Gololeey ee degmada Baldcad halkaasoo weeraradii ugu darnaa ay Al-Shabaab ka geysteen.

Koronto ayaa sheegay in Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar har iyo habeen ay roondo ka sameyn doonaan ciidamada si aysan u dhicin weeraro ka yimaada dhanka Al-Shabaab oo mar kale halkaas ka dhaca.

Waxaa uu sheegay in wadadaas ay tahay mid amni ah oo cid kasta ay mari karto wuxuuna xusay in Xoogaga Al-shabaab aysan awood u laheyn iney mar kale halkaas weerar ku soo qaadaan, maadaama la geeyey ciidamo fara badan.

Masuuliyiinta dowlada Somalia & kuwa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa joojiyey iney ku safraan wadadaas tan iyo markii ay weeraro badan ka geysteen Xoogag taabacsan Al-Shabaab todobaadyo ka hor, kuwaasoo lagu dilay askar iyo dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -