Qoraalo isir naceyb ah oo lagu qoray Masjid Soomaalidu ku leedahay Maraykanka (Sawirro)

Qoraal loo malaynayo inuu ka turjumayo isir nacayb ayaa lagu arkay darbiyada masjid kale oo ku yaalla magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Dhacdadan ayaa si weyn u argagax galisay maamulka iyo bulshada ku cibaadeysata masjidka Imaam Shaafici, oo ah masaajidkii ugu horreeyay ee ay jaaliyadda Soomaalida ka fureen gobolka Minnesota.

Qoraalkan oo ka koobnaa xarfo iyo tirooyin aan la fahmi karin micnahooda ayaa lagu sameeyay baaritaan, si loo ogaado ujeeddada laga leeyahay.

Sheekh Cabdiqani Maxamed Cali Qardhaawi, oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa dhaliyay lagu sameeyay ayaa waxaa uu sheegay in qof xili saq dhexe ah yimid uu xarfahan ku qoray masjidka derbigisa.

“Kaamirada ku xiran masjidka ayaa na tustay qofka meesha wax ku qoray oo ahaa nin. Wuxuu soo istaagay saacaddu markii ay ahayd 1:03 am, oo saqda dhexe ka dib ah, xilli uu baraf dhacayay, wuxuu wax qorayay ilaa 1:45 am, afartan iyo dhowr daqiiqo ayuu wax ku qorayay”, ayuu yidhi Imaamka.

Fasiraadda qoraalkan ayuu Imaamku sheegay in siyaabo kala duwan loogu micneeyay.

“Qolaba si ayey ku micneysay, dadka qaar ayaa fasiray Tusaale ahaan dhinaca midigta ah ee darbiga masaajidka waxaa ku qoran “D2f”, waxaana lagu macneeyay in xarfahaas laga soo gaabiyay oraah luuqadda ingiriiska ah oo u dhiganta Daacish to fishin (Daacish oo lasoo afjarayo), dhinaca kalena waxaa ku qoran “4 Sher”, oo lagu micneeyay 48 hours(48 saacadood), marka micnaha la isku qabtana wuxuu noqonayaa 48 saacadood ku dhamee dadkaas iyaga ah”, ayuu yiri Shiikh Qardhaawi.

Booliska magaalada ayaa wada baaritaan ku saabsan qofka ka dambeeyey arrintan oo u muuqata mid lagu cabsi gelinayo Soomaalida iyo muslimiinta kale ee halkaas degan.

falkan ayaa ku soo beegmaya xili dunida oo dhan weli si weyn looga hadal hayo weerarkii Maalintii Jimcada ahayd, oo nin hubeysan uu toogasho ku laayey  50 ruux oo ku jiray masaajidyo ku yaalla dalka New Zealand.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -