Somaliland oo xabsiga dhigtay masuuliyiin lagu eedeeyey Musuq-maasuq

Somaliland ayaa maanta xirtay masuuliyiin haya xilal dawladeed iyo kuwo hore oo musuqmaasuq lagu soo eedeeyay.

Agaasimaha maamulka ee wasaaradda warfaafinta Xasan Maxamuud Muxumed ayay saaka ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen, sida xaqiijiyeen hawlwadeennada hantidhowrka Somaliland.

Agaasimahii hore ee Wasaaradda warfaafinka Cismaan Xuseen Warsame ayaa isna ka mid ah dadka xabsiga loo taxaabay, kaasoo doraad uu Madaxweynaha Somaliland ka aqbalay warqad is casilaada oo uu u soo gudbiyay.

Arintan ayaa ka danbeysay baaritaan musuqmaasuq oo maalmahanba ay xafiiska hanti dhawrku ka waday dhowr hay’adood ay warfaafintu ka mid tahay.

Maamulka Somaliland ayaan illaa hadda ka hadlin xarigan u dambeeyey maanta ka dhacay magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -