Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo maanta xilka la wareegay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta xilka la wareegay gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir Carab , kadib munaasabad ka dhacday xarunta Degmada Xamar Weye.

Munaasabada xil wareejinta waxaa kaso qeyb galay Xilhibaano katirsan Baarlamaana Federaalka Soomaaliya, gudoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir Arimaha bulshada, Waxgarad yo qeybaha kala duwan ee bulshada Xamar weyne.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne Cabduqaadir Carab ayaa u mahad celiyay maamulkii hore ee degmada Xamar weyne, waxa uuna bala qaaday in uu la imaan doono waxqabad muuqda oo ay raali ka yihiin bulshada Xamar Weyne.

Degmada Xamar Weyne ayaa mudo dhowr bil ah laheyn wax gudoomiye ah, waxaana maamulka degmaaasi si KMG ah usoo hayay Gudoomiye kuxigenkii degmadaasi oo maanta xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub.

 

Related posts

Dadka kasoo horjeeda Axmed Madoobe oo lagu tilmaamay Al Shabaab oo kale

Cabdi Cade

Jubbaland oo Wararkii Ugu Kululaa kasoo saartay Dagaalkii Muqdisho Eedeyna u jeedisay DF 

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---