Koronto xumo lasoo daristay mid kamid ah Wadamada ugu hodansan Afrika

Dalka Koonfur Afrika oo safka hore kaga jira wadamada ugu hodonsan qaarada Afrika ayaa xiligan waxaa heesta mashaakil dhinaca korontada ah, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dalkaasi ka jiray koronto la’aan baahsan.

Shirkada Korontada ee dalka Koonfur Afrika Eskom ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro culees badan oo dhinaca korontada ah, waxa ayna shirkada shaacisay in ay xirmeen 11 xarumood oo quwadda korontu lahayd.

Jabu Mabuza oo ah madaxa shirkadda korontada ee Eskom ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu xaliyo koronto xumada dalka ka jirta, waxa uuna sheegay in la kicinayo matooro dheeri ah si xal looga gaari koronto xumada.

Waxa uu ugu baaqay dadka Koonfur Afrika kunool in ay dulqaataan inta ay jirto culeeska korontada, waxa uu sidoo kale ka codsaday in ay iska damiyaan qalabka aan daruuriga aheyn ee ku shaqeeya korontada si culeeska u yaraado.

Koronto xumada ka jirta dalka Koonfur Afrika ayaa sababtay mashaakil dhanka gaadiidka ah oo qabsatay dadka isticmaalaya waddooyinka magaalada wayn ee Johannesburg, ka dib markii ay dameen qaar badan oo ka mid nalalkii garaarida kala hagayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -