Allbanaadir.com
NEWS

RW Soomaaliya oo gaaray degaanka Ari-Caddeeye (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hadimo-Sharafeed lagu Maamuusayey kaga qeyb-galay duleedka magaalada Ari-Caddeeya, oo 30, KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo la hadlay shacabka magaalada, ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariikhiha ah ee uu  ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan, waxa uuna ballan-qaaday in ay dhawaan heli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, ( Firdhiye) iyo madaxda ka tirsan Hey’addaha Heer Federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Nicolas Martinez oo gaaray Hargeysa lana kulmay Muuse Biixi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo xanibaad ku soo rogay Shirkado xawaaladeed oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Hub Sharci daro ah oo ay leeyihiin Dowladaha Ruushka iyo Shiinaha oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---