Ciidamo katirsan Milatariga oo Mushaar la’aan uga soo baxay Fariisimo hor leh

Waxaa wali taagan cabashada ka imaaneysa ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ee kusugan gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Shabeelaha Hoose, kuwaa oo sheegay in mudo afar bil ah aysan qaadan wax mushaar ah.

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay kasoo baxeen fariisimo ay kaga sugnaayeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidankan ka cabanayaan xuquuq la’aan .

Sida aan Wararka ku helnay ciidamadan katirsan Milatariga ee ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa kasoo baxay fariisimo ay ka joogeen degmada Mahaday, Duleedka magaalada Jowhar, Deegaanada Garsaale iyo Qalimow .

Fariisimaha ay ciidankan Milatariga kasoo baxeen ee katiran gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa la sheegay in ay ku hareen kuna sugan yihiin qaar kale oo kamid ah ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Ciidamadan ka gadoodsan mushaar la’aanta oo watay gaadiidka dagaalka oo aad u badan ayaa lagu arkay degmada Balcad, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay kusii jeedaan magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamo katirsan Milatariga  sidan oo kale uga soo baxeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidamada ka cabanayaan mushaar la’aan halka dowlada madaxdooda sheegayaan in mushaarka la bixiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -