Dharka lagu xardhay calanka Somalia oo qaali ka noqday Magaalada Jigjiga

Magaalooyinka ismaamulka Soomaalida ku soo badanayay waxyaabo badan oo dowladdii hore ay dadka degaanka ka mamnuucday Tan iyo markii ay dhacday Xukuumaddii hore ee dalka Itoobiya.

Waxyaabaha mamnuuca ahaa ayaa waxaa ka mid ah astaanta Calanka Soomaaliya oo haatan aad looga xiiseeyo gudaha magaalooyinka sida Jigjiga oo kale.

Dharka lagu xardhay calanka Soomaaliya gaar ahaan duruucda ay xirtaan dumarka ayaa haatan gudaha magaaladaasi Jigjiga aad uga qiimo badan dharka kale, waxaana gudaha magaalada inta badan lagu arkaa dad xiran dharkaasi.

Isbedelka ka dhacay dalka Itoobiya ayaa saameyn badan ku yeeshay degaanka Soomaalida, waxayna dadku heleen xoriyad buuxda oo dhinaca nolasha ah taasoo looga reystay caburinta maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -