(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo dalab Muhiim ah hordhigay danjire Carlo Campanile

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Danjiraha Dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan Amaanka iyo dib u kabashada.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka waxaa kale ii diirada lagu saaray hananka maalgashiga Talyaaniga oo wakhtigii Dowladii Dhexe maalgalin xoog leh ku sameeyay dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inay ka wada hadleen Danjiraha sidii dib boorka looga jafi lahaa mashruucyo iyo ilo maalgashi oo Talyaanigu kal hore ka hirgaliyay degaanka si gaar ahna in ganacsatada Talyaanigu ay u furan tahay in ay degaanka maalgashadaan.

Arimaha nabadgalyada ayuu Madaxweynahu Dowlada Talyaaniga ku booriyay in ay laban laabto taageeradeeda dhinaca amaanka si xasiloonidu u noqoto mid adag oo aan liiq liiqan.

Dhinaca kale Danjire Carlo Campanile ayaa amaanay dadaalka Jubbaland ee nabadgalyada iyo dib u dhiska isagoo sheegay in ay maalgalin ku samayn doonan deegaanka isla markana dhinaca amaanka ay Soomaaliya oo dhan wax weyn kala qabanayaan.

Safiirka ayaa booqday Xarumo kala duwan oo ku yaala Magaalada Kismaayo oo ganacsato iyo shirkado Talyaani ah ay gacanta ku hayeen wakhtigii Dowlada dhexe ay talada haysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -