Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shimbir lagu iibsaday lacag ka badan Hal Milyan oo Dollar !!(Daawo Sawirada)

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa shimbir lagu iibsaday lacag ka badan Hal Milyan oo Dollar, waxa ayna sheekadan noqotay mid hadal heyn badan abuurtay oo siyaabo kala duwan Warbaahinta wax uga qortay.

Shimbirtan oo nuuceeda aysan dunida ku badneyn oo 5-sano jir ah ayaa lagu iibsaday lacag gaareysa 1.42 milyan oo doolar, waxaana shimbirtan iibsaday nin maalqabeen ah oo u dhashay dalka Shiinaha.

Olole lagu xaraashayay shimbirtan ayaa waxaa kasoo qeyb galay maalqabeeno badan, waxaana qiimihii ugu horreeyay ee lagu soo beec geeyay shimbirtan ay aheyd 321 kun oo doolar, waxaana beeca sare u qaaday tartan loo galay shimbirtan iibkeeda.

Nikolaas Gyselbrecht, oo ah madaxa shirkadda PIPA ee shimbirtan iibineysay ayaa sheegay in aysan marnaba fileyn in lacag intaan la eg lagu iibsan doono shimbirtan, waxa uuna cadeeyay in ay filayeen lacag gaareysa 400 kun oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka laabtay Qoraal uu soo saaray Raali gelina siiyay Ra’isul Wasaare Xamse

Cabdi Cade

Ciidamada dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo isku diyaarinaya guluf dagaal (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo ka soo horjeestay go’aanadii ka soo baxay Isimada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---