Dowlada Maraykanka oo Mahad Macalin ku dartay liiska argagaxisada

Xukuumada Washington ayaa shaacisay caawa iney liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee dalka Somalia.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Mahad Macallin oo ah Ku-xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya lagu daray Liiska argagixisada ee lagu qoro dadka la doon doonayo inkastoo aysan jirin wax lacag ah oo madaxiisa la dul saaray.

Mahad Macallin ayaa lagu eedeeyey inuu kooxda Daacish Somalia u qaabilsan yahay fududaynta saanadda iyo hubka kooxdan uga yimaada dalka Yemen, sida lagu xusay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha dibadda Maraykanka.

Cabdulqaadir Mu’min oo ah wadaad xagjir ah oo ka goostay Al-shabaab oo ay la socdaan 20 dagaalyahan ayaa bishii Oktoober ee sannadkii 2015 ku dhawaaqay inuu daacad u yahay Hoggaamiyaha Abuu-bakar Al-baqdaadi, isagoo ku xigeenkiisana u magacaabay Mahad Macallin oo ah ninka haatan liiska argagixisada lagu daray.

Maraykanka ayaa Bishii Agoosto ee sannadkii 2016 sidoo kale liiska argagixisada ku daray wadaadka Cabdulqaadir Muumin laftiisa oo kooxdiisa lagu eedeeyey iney degaanada Puntland ka fulisay weeraro kala duwan oo dad badan lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -