Ku-simaha Raisul Wasaaraha oo kormeer kedis ah ku tegay qaar ka mid ah Xarumaha dowlada (Daawo Sawirro)

Ra’isul wasaare xigeenka Soomaaliya ahna ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) oo ka duulaya barnaamijka isla xisaabtanka ee Xukuumadda ayaa kormeer shaqo ku tegey qaar kamid ah Xafiisyada hay’adaha laamaha dawladda, waxaana uu booqday Wasaaraddaha Aminga, Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ku Simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisalwasaare xigeenka ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Wasaaradda Aminga. Wasiirudawlaha Wasaaradaasi Xasan Macalin Xuseen ayaana halkaasi kusoo dhoweeyay isagoo uga xog-waramay shaqada ka Wasaarad ahaan ay qaranka u hayaan iyo hanaanka maalin-laha ah ee ay ku waajahaan hawlaha amniga iyo isku xidhkooda doorka kaga aadan.

Sidoo kale Ra’iisal wasaare xigeenka ayaa kormeerkiisa ku soo maray Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaana Ra’iisal wasaare Xigeenka warbixin ka siiyay shaqadda Wasaaradda, Dakhli ururinta iyo fulinta Barnaamijka dib-uhabaynta Maaliyadda ee Dawlada.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir Ciise Cali ayaa dhankiisa Ra’iisal wasaare xigeenka uga waramay sida ay shaqadu ugu socoto, waxaana uu kormeer kusoo mariyay Qaybaha kala duwan ee Bangigu ka kooban yahay.

Ra’iisalwasaare xigeenka ahna ku simaha Ra’iisalwasaaraha Md. Mahdi Mohamed Guuleid oo Warfidiyeenada la hadlay ayaa usheegay inay kormeerkan shaqo sii wadayaan si loo joogteeyo buu yidhi dardargelinta shaqada Qaranka, isagoo madaxda xarumaha uu booqday amaan fara badan u jeediyey.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -