Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal xoogan oo dhax maray Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Al Shabaab

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ayaa saakay ka dhacay Deegaano ku dhaw dhaw Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida aan Wararka ku helnay dagaalkan ayaa ka qarxay inta u dhaxeysa Deegaanada Gariley iyo Faax Faaxdhuun oo katirsan Degmada Baardheere , dagaalka ayaana yimid kadib markii dagaalyahano katirsan Al Shabaab jidka u galeen ciidamada Dowlada.

Gaadiid dagaal ay wateen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo ka yimid Deegaanka Gariley kuna sii jeeday Faax Faaxdhuun ayaa jidka waxaa u galay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dagaal saacado badan socday ayaa la sheegay in uu dhax maray labada ciidan ee dagaalamay, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha Deegaanka Faax Faaxdhuun Aadan Kheyre oo la socday kolanyada la weeraray ayaa sheegay in uu dhaawac fudud kasoo gaaray sidoo kale askar katirsan ciidanka dowlada ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha dagaalka ay guul ka gaareen ayna dileen ku dhawaad 20-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa uuna sheegay in hada gaareen deegaanka Faax faaxdhuun ay markii hore u socdeen.

Al Shabaab ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dagaalkan xoogan ay saakay la galeen ciidanka dowlada ee saakay ka dhacay Deegaano katirsan Degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aden Madoobe oo ganaax culus ku soo rogay Xildhibaan Firimbi

Caydiid Ali

Khilaaf ka dhex curtay Ilhan Cumar & xubno ka tirsan Xisbigeeda Dimoqraadiga

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay tiro madaafiic ku dhacday xarunta Villa Somalia iyo Al Shabaab oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---