Soomaali loo diyaariyey la dagaalanka TPLF oo tababar ciidan loo soo xiray (Sawirro)

Xerada tababarrada ciidanka Gaashaanle Khadar Soofe oo ku taalla degmada Birqod ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa tababar loogu soo xiray 600 oo ciidan maleeshiya ah oo muddo carbiska ciidannimo la barayay.

Ciidankan oo ah dufcaddii 2aad ee maleeshiya ah ee ka qalin-jabiya xeradan ayaa tababarka ciidannimo uu u socday muddo 2 bilood ah waxaana la barayay xirfadaha iyo tababarrada kala duwan ee ciidannimo.

Munaasabadda qalin-jabinta ciidanka maleeshiyada oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiinta hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo hoggaan-ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Maxammed Cali Daahir, taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee Deegaanka Maxammed Axmed Maxammuud, madaxa ciidamada maleeshiyayada DDS, C/llaahi Qaasim, maamulka gobolka Jarar iyo marti-sharaf kale ayay ciidanka tababarka dhammaystay u soo bandhigeen gaardi ciyaar qurux badan oo ah carbiskii la baray.

Masuuliyiintan oo salaan-sharafeed ka qaatay ciidanka ayaa munaasabaddan ka sheegay in ay xukuumaddu dhistay isbaddelkii kaddib cudud ciidan oo xoog leh oo bulshada si hufan ugu adeega qalin-jabiyayaashana kula dar-daarmay inay u gutaan shaqadooda sidii loogu talo’gay.

“Argagixsada TPLF Deegaanka iyo dalkaba dhibaato ballaadhan ayay ka geysteen, markaa waxaa loo baahan yahay in aan halkooda ugu tagno oo aan xabaalahooda halkaa ku badinno” ayuu yiri madaxa ciidamada maleeshiyayada DDS, C/llaahi Qaasim.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -