Madaxweynaha Somalia oo tacsi u diray Muslimiintii New Zealand lagu gumaaday

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray dadka muslimiinta ah ee lagu laayey weerarkii saaka lagu qaaday masaajidyo ku yaalla dalka New Zealand.

“Waxaan si adag u cambaareyanyaa weerarkii islaam naceybka ku dhisnaa ee argagaxa lahaa oo ka dhcay magaalada Chrischurch, New Zealand oo lagu qaaday muslimiinta cibaadeysanayey.. Waxaan garab taaganahay dowladda New Zealand iyo shacabka muslimiinta ah si ay uga gudbaan musiibadan, Waa inaan u midownaa burburinta argagixisada nooc kastoo ay tahay.” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku biiraya madaxda caalamka ee cambaareeyay weerarka naxdinta leh ee ka dhacay dalka New Zealand.

Ugu yaraan 49 qof oo ay ku jiraan 3 Soomaali ah  oo salaadii Jimcaha isku diyaarinayey ayaa lagu dilay weerarkan oo uu fuliyey nin cunsuri ah oo u dhashay dalka Australia, waxaana dhacdadan oo si weyn looga argagaxay si weyn looga hadal hayaa caalamka oo idil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -