Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin aflagaadeeyey Nebi Maxamed NNKH

Fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay nin lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed NNKH sida ay sheegtay Al-shabaab oo halkaas Maamusha.

Xasan Tooxow Fiidow oo 87 jir ah ayaa isagoo ku sugan degmada Xiindheere waxaa la sheegay inuu Nabiga NNKH aflagado u geystay, waxaana ka dib xukun dil ah ku riday Maxkamad ay leedahay Al-Shabaab

Xasan Tooxow Fiidow oo ku magac dheeraa (Xasan Luglug) ayaa aflagaadada uu geystay waxaa Maxkamadda horteeda ka caddeeyay markaatiyaal goob joog ahaa markii uu aflagaadada geysanayey sida ay sheegtay Al-Shabaab.

Waa markii ugu horeysay ee Al-Shabaab ay sheegto iney xukun dil ah ku fulisay dad loo heysto aflagaado diimeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -