Trump oo si yaab leh uga hadlay Muslimiintii lagu laayey wadanka New Zealand

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saacado badan ka dib ugu dambeyn ka hadlay, dadkii muslimiinta ahaa ee lagu laayey laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand

.Trump ayaa qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka, ku yiri: “Wuxuu dareenkeyga la jiraa dadka New Zealand, kadib markii xasuuq ba’an uu ka dhacay Masjid. 49 qof ayaa si arxan darro ah u dhintay, dad badanna dhaawacyo culus ayaa gaaray, Mareykanka wuxuu garab taagan yahay New Zealand Allaha idin barakeeyo dhammaantiin..”

Qoraalka Trump ayaan lagu soo hadal qaadin dadka dhintay, laguma xusin kuwii falkaasi geystay, kuma sifeynin argagixiso, mana cambaareyn falka ay ku kaceen, iyadoo ay xusid mudan tahay in ninka falka geystay oo ah caddaanka cunsuriyaddu madax martay uu ku sheegay bayaan uu soo saaray in Trump uu u arko qof isaga metela.

Madaxda caalamka ayaa si weyn u cambaareeyay weerarka, iyagoo waxa dhacay ku tilmaamay argagixiso iyo tallaabo naceyb ah oo arxan darro ah, laakiin madaxweyne Trump oo taageero ka hela caddaanka dadka kale iskala weyn ee cunsuiriyiinta ah, wuxuuna gebi ahaan ka gaabsaday inuu soo hadal qaado muslimiinta la laayey inuu magacooda ku sheego qoraalkiisa ama kuwa dilka geystay  cambaareeyo.

Ugu yaraan 49 qof ayaa lagu dilay weerarkan oo saaka lagu xasuuqay dad muslimiin ah oo ku cibaadeysanayey labo masaajid oo ku yaalla dalka New Zealand, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ku dhow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -